Wasiirka wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani,aadannimada




Wasiirka wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bini,aadanimada. Mudane: Saleban Ducaale Xaaji Jaamac oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee wasaaraddu, Mukhtaar Cabdi Jaamac
(Baaxo) ayaa manta kulan la yeeshay hay'addaha WFP, Care international iyo Asal organization oo ku bahoobay masruuca CASH WORKING GROUP.
Kulankan oo ujeedadiisu daarnayd isbarasho iyo sidii looga wada shaqayn lahaa mashruuca lacag bixinta, isla markaasina loo sii xoojin lahaa nidaamka uu mashruucaasi.
Waxaana laga balamay in laysugu yimaado kulano kan ka balaadhan oo lagusoo bandhigi doono qorshaha mashruucan, si ay masuuliyiinta wasaaraduna ula eegto qaabka loo maamuli doono mashruucan si looga faa,ideeyo kolba halka ku haboon ee baahidu ka jirto.