Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka (HQBQ) waa Hay’ad Dawli ah oo lagu aasaasay Digreeto Madaxweyne January 2018-kii si loogu fidiyo Barakacayaasha, Qaxoontiga, Soo-noqdayaasha iyo Socotada taageero xagga ilaalinta iyo in xal waara loo raadiyo dhammaan Dadkaas kala duwan ee Qaxoontiga/Magangelyo-doonka, Barakacayaasha, Soo-noqoshada iyo Socotada Somaliland.


Sannadihii u Dambeeyey Aasaaska Hay’adda sida ku cad waajibaadkeeda waxay taageero siisay Dhammaan Barakacayaasha, Qaxootiga/Magangelyo-doonka iyo Muwaadiniinta Waddanka dib ugu soo laabtay, iyo Socotada/Tahriibayaasha Somaliland.

Buuggan waxa laga dheehanayaa dhammaan warbixinaha waxqabad ee Sannadka 2021 ee dhinacyada kala duwan sida Barakacayaasha,Qaxoontiga, Soo-noqdayaasha iyo Tahriibayaasha ama Socotada aan sharciga ahayn.

 








Halkan hoose kala deg Buugga waxqabadka Hay'adda Sannadka 2021-ka oo dhammays tiran.