Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib- u-dejinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib- u-dejinta iyo arrimaha bani'aadanimada Mudane: Mukhtar Abdi Jama (Baaxo) ayaan maanta furay shir ay iskugu yimaadeen Hay'addaha Caalamiga iyo Kuwa UNta qaybo ka mid ah.
Shirku wuxuu ka dhacay xarunta Wasaaradda dib-u-dejinta iyo arrimaha bani'aadanimada,shirka waxaa laga arinsanayey xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan dadka ka soo Qaxay dagaalkii ka dhacay magaalada Dacawalay ee ismaamulka deegaanka somalida itoobiya, kuwaasi oo u baahan dedaal iyo iskaashi wada jir ah.
Collaadda ka dhacday magaalada Dacawaley, waxayna sababtay in dad badan oo rayid ah ku soo qaxaan magaalada Balligubadle iyo agagaarkeeda ah dadkaas oo inta badan haween iyo carruur u badan.
Qodobada uu Agaasimuhu farray Hay'addaha inay degdeg wax uga qabtaan waxaa ka mid ah;
1.Gargaarka Degdegga ah: Waxaa muhiim ah in hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dawladduba iska kaashadaan sidii gargaar degdega loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan.
2.Daryeelka Caafimaadka iyo Taageero Maskaxeed, Dad badan oo ka mid ah Qaxoontigani waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad iyo la-talin nafsi ah si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay la kulmeen.
3.Waxbarashada: qoysaskan soo qaxay waxa ku jira caruur oo u baahan in ay helaan waxbarasho, sidaa darteed waxa muhiim ah in laga shaqeeyo sidii waxbarashada caruurtaasi aanay u kala gu’I lahayn.
4.Dib-udhiska nolosha dadka, Inkasta oo gargaarka degdegga ah uu muhiim yahay wakhtigan, balse sidoo kale waa in ilo dhaqaale loo sameeyaa dadkan si ay isugu tiirsanaadaan in ta ay ku sugan yihiin Somaliland.
Ugu dambayn Agaasimuhu wuxuu aad ugu mahad naqay kasoo qayb galka ay kasoo qayb galeen shirkan waxaanu u rajeeyey inay qayb ka noqdaan taakulada loo fidinayo dadkan soo qaxay.