
Akhri Faah-faahinta: Munaasabad Lagu Abaal Marinayey Shaqaalaha HQBQ Oo Kaqabsoontay Hargeysa.
Xafalad si heersare ah loosoo agaasimay oo lagu abaalmarinayey shaqaalahii ugu wanaagsanaa dhanka shaqada ee Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka islamarkaana lagusoo bandhigayey buugga waxqabadka HQBQ ee Sannadka 2021 ayaa xalay lagu qabtay caasimadda dalka ee Hargeysa.


Xafaladda oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka HQBQ, shaqaale weynaha Hay'adda, Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha, Qoyska iyo arrimaha Bulshada, Maareeyaha Hay'adda Duulista iyo Madaarada Dalka, guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaagga, G/xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, Safiirka JSL ee Dalka UK, agaasimaha guud ee W. Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta iyo marti sharaf kale oo tiro badan ayaa kaqabsoontay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
G/xigeenka HQBQ Marwo Faadumo C/laahi Cumar oo ugu horrayn kelmad furitaan iyo soodhaweyn isugu jirta ka jeedisay xafladda ayaa hambalyo iyo bogaadin ujeedisay shaqaalaha HQBQ, waxa ay marwo Faadumo ku ammaantay shaqaalaha hay'adda sida ay u ilaalinayaa wakhti iyo saacadaha shaqada ay qaranka u shaqaynayaan.
Masuuliyiin tiro badan oo goobta hadallo kale duwan kajeediyey ayaa aad u ammaanay waxqabadka muuqda ee Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranku Muujisay sannadkii tagay ee 2021, iyaga oo dhammaantood si iskumid ah ugu ammaanay guddoomiyaha Hay'adda, kuxigeenkiisa iyo shaqaale weynaha Hay'adda sida kartida iyo daacadnimada leh ee ay ugu adeegaan dadka inta nugul ee ay qaranka uga masuulka yihiin.
Dhanka kale Guddoomiyaha HQBQ Md C/kariim Axmed Maxamed Xinnif oo goobta hadal kajeediyey ayaa sheegay in Hay'addu horumarka iyo waxqabadka baaxadda leh ee ay caawa soo bandhigtay uu uga mahad naqayo lshaqaalaha HQBQ, wasaaradaha iyo hay'adaga kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin HQBQ oo had iyo goor siwanaagsan ula shaqeeya Hay'adda, sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu mahanaq ballaadhan ujeediyey hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo iyaguna kaalin weyn oo wada shaqayneed laleh HQBQ.
Gebogebadii waxa halkaadi shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey shaqaalihii ugu kartida badnaa dhanka shaqada ee sannadkii tagey ee 2021 ka.







NDRA NEWS/HARGEISA