BURCO: Guddoomiyaha Ha'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Daahfuray Barnaamij Raashin Loogu Qaybinayo Kumanaan Barakacayaal Ah.

Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka JSL oo kaashanaysa Hay'adda Boqor Salmaan ayaa deeq raashin ah oo dhamaystiran gaadhsiisay inkabadan Saddex kun (3000) oo qoys oo kamida dadka kunool kaamamka barakacayaasha ee magaalada Burco.




Deeqdan raashinka ah oo ay soo bixisay hay'adda islaamiga ah ee Boqor Salman Foundation ayaa lagaadhsiiyey dadka barakacayaasha ah ee kudhaqan magaalo madadxda gobolka Togdheer ee Burco.

ugu horrayn waxa halkaasi hadalo kajeediyey masuuliyiinta ugu sarraysay hay'adda HQBQ, oo ammaan iyo mahadqan usoo jeediyey muxsiniinta soo bixiyey deeqdan raashinka ah oo lagaadhsiiyey dadkii loogu talogalay, waxa sidoo kale goobta hadalo kajeediyey Mr Siciid Gaboobe oo ah masuulka uqaabilsan Somaliland hay'adda Boqor Salman Foundation.





NDRA NEWS.