DAAWO MUUQAALKA: Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Kaashanaysa Hay'adda IOM Oo Maalgelin Usamaysay Dhallinyaro Tahriibayaal ah.
Hay' adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha JSl iyo Hay'adda IOM ayaa maanta si wadajir ah u guddoonsiiyey 20 dhallinyar reer Somaliland ah oo dhawaan lagasoo celiyey dalka Liibiya oo ay tahriib ahaan utageen lacag dhan $2000 USD (laba kun oo dollar) midkiiba.Guddoomiayaha HQBQ Md C/kariim Axmed Maxamed Xinif oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ugu horrayn umahad naqay midowga yurub oo deeqdan soo bixiyey, waxa kale oo guddoomiyuhu umahadnaqay hay'adda IOM oo lacagtan lasoo mariyey oo ay sidhow uwada shaqeeyaan hay'adda NDRA.
Ugu danbayn waxa uu guddoomiyuhu dardaaran weyn usoo jeediyey dhallinyarta maanta lacagta laguddoonsiiyey isaga oo kula dardarmay in ay kula noqdaan lacagta lasiiyey waalidiintii tacabka badani ka gaadhay xiligii ay tahriibka kujireen taasi oo waalidiinta qaar ku kelifay in ay xaraashan guryahooda.
Waxa kale oo goobta hadalo kajeediyey masuuliyiin ka kala socday IOM iyo HQBQ iyo xubin kuhadashay dhallinyarta maanta lacagta gudddoomay.