Guddoomiyaha Ha'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Kaqayb-galay Maalinta Caalamiga ah Ee Qaxoontiga



Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Md. C/kariim Axmed Maxamed Xinif ayaa maanta kaqayb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee qoxoontiga oo sannad walba laxuso 20 ka bisha June.

Guddoomiyaha HQBQ oo munaasabaddaasi hadal dheer kajeediyey ayaa sheegay in dadka qaxoontiga ah iyo kuwa magangelyo doonka ah ee dalka kusugan oo kasoo kala jeeda dalal badan ay Somaliland ugu noolyihiin sida muwaadinku ugu noolyahay oo kale marka la eego dhanka nabadgeliyada isaga oo guddoomiyuhu sheegay in dawladda Somaliland ay damaanad qaaday nabadgeliyada dadkaasi qoxoontiga ah.

Waxa sidoo kale uu guddoomiye C.kariin sheegay in dalka Somaliland ay hadda ka diiwaan gashanyihiin dad isugu jira qoxoonti iyo magangelyo doon gaadhaya 14kun
Xuska maalinta caalamiga ah ee qaxoontiga oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay madax sarsare oo kasocotay hay'adda qaxoontiga uqaabilsan caalamka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan #UNHCR kuwaasi oo qiray in dadka qaxoontiga ah ee kusugan dalka Jamhuuriyadda Somaliland siwanaagsan loola dhaqmo.