Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Kulan Laqaatay Madaxa UNHCR ee Somaliland.
Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Md C/kariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay'adda UNHCR Somaliland Mr Arman iyo masuuliyiin kale oo wehelinayey.kulankan ayaa waxa ay guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kasocday hay'adda #UNHR diirada kusaareen qodobadan.
- In sharciga qaxoontiga hore loo dhamaystiro
- In lagu daro qaxoontiga, barakacayaasha iyo soonoqdayaasha
qorshaha horumarinta qaranka saddexda sannadood ee socda.
- In arrimaha laxidhiidha mustaafurinta lagala hadlo laanta socdaaalka qaranka.
- In guryo loodhiso 16 qoys oo kamid ah dadka barakacayaasha ah ee kunool kaamka Naasa-hablood C.
-In Hay'adda #UNHCR kaqayb qaadato samaynta strategy-yadda labaad ee hay'adda Qaxoontiga & Barakacayaasha Qaranka.
NDRA/NEWS.