Guddoomiyaha HQBQ Ayaa Soo Xidhay Shir Muddo Saddex Cisho Ah Ugasocday Berbera Hay'adda Qaxoontiga Iyo Hay'addah Wadashaqaynta Laleh...Sii Akhri Faahfaahinta.

Guddoomiyaha hay'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka oo maalmahanba safar shaqo kujoogay magaalada Berbera ayaa halkaasi kusoo gebogabeeyey Shir Saddex Cisho Uga Socday Magaalada Berbera Hay'addaha NDRA, UNHCR, NRC, DRC, WAAPO, ACTED, DAN iyo LEGAL CLINIC.

Shirkan oo  ay soo qaban qaabisay Hay'adda UNHCR Ayaa waxa lagaga wada hadlayey wixii  u qabsoomay sannadkii lasoo dhaafay ee 2021 iyo qorshaha cusub ee lagu shaqayn doono sannadka 2022 ilaa 2023, Hay'addahan ayaa ay NDRA ka wada shaqeeyaan Qaxoontiga iyo Barakacayaasha dalka ku sugan.

Guddoomiyaha HQBQ iyo Masuuliyiin Sare oo kasocday hay'adda UNHCR  ayaa mudadii ay Berbera safarka kujoogeen waxa ay 286 Guri oo dib u dhis lagusameeyey kuwareejiyeyeen Maamulka gobolka Saaxil, Guryahan oo hore loogu dhisay dadka barakqcayaasha ah ee degen kaamka Magaalo Cad ee magaalada Berber ayaa hadda dayac tir lagu sameeyey iyada oo loo eegayo cimilada Berbera oo sannadka intiisa badan kulayl ah si ay isaga difaacaan kulka xeebta iyo dabayshaba.

Dhanka kale guddoomiyaha HQBQ iyo masuuliyiin kale oo kamid ah Hay'adda oo safar shaqo kujooga gobolka Saaxil ayaa kulamo kaladuwan layeeshay Maamulka gobolka iyo hay'adaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha JSL.

NDRA OFFICE/HARGEISA SOMALILAND.