Guddoomiyaha HQBQ Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Gobolada Galbeedka Somaliland..Akhri Faahfaahinta.


Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane C/kariin Axmed Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu kicitimay gobolada Gabilay iyo Awdal iyada oo ujeedada safarku yahay xog-ogaal unoqoshada arrimaha barakacayaasha iyo dadka tahriibayaasha ah ee gobolada galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland.




Guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa ay ugu horrayn kulan laqaateen maamulka gobolka Gabiley, iyaga oo kawada hadlay sidii wax looga qaban lahaa dadka waddanka kusoo gelaya sida sharci darrada ah, iyada oo kulankaasi kusoo dhamaaday isfaham buuxa.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kulan laqaateen badhasaabka gobolka Gabiley iyo Maayarka degmadaasi Gabiley, iyaga oo halkaasi uu badhasaabka Gabiley warbixin kusaabsan arrimaha soogalootiga kusiiyey Guddoomiyaha HQBQ.

Guddoomiyaha HQBQ kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa mahadnaq ujeediyey maamulka gobolka Gabiley oo ugu horreeyo badhasaabkU, isaga oo sheegay in uu xog muhiim ah kasiiyey badhsaabku xogo badan oo kusaabsan dadka soogalootiga ah iyo barakacayaasha.



NDRA NEWS/HARGEISA OFFICE.