Guddoomiyaha HQBQ Oo Furay Kulan dib loogu Eegayo Qorshayaasha Waaxaha HQBQ (Mid year review(.
Gudoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Md C/kariin Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa maanta Kulan hal maalin soconaya u furay agaasime waaxdeeyada HQBQ.Kulanka oo ay soo qabanqaabisay waaxda Qorshaynta ee HQBQ ayaa ujeedadiisu ahayd dib u eegis lagu samaynayo qorshayaasha waaxaha HQBQ lixdii bilood ee hore ee sannadka 2022 ama (Mid year review), waxa kasoo qayb galay guddoomiye xigeenka hay'adda la taliyaasha iyo qaar kamid ah shaqaalaha HQBQ.
kulanka waxa lagusoo bandhigay qorshayaasha u qabsoomay waax walba, wixii aan qabsoomin iyo haddii ay jiraan qabado ay u qabsoomi waayeeenba.
NDRA NEWS/ HARGEYSA