Guddoomiyaha HQBQ Oo Gobolada Dalka Ukala Diray Shaqaalaha Kashaqayn Doona Barnaamijka Xog Ururinta Dadka Barakacayaasha Ah ee DTM-ka

Waxa gobolada dalka loo kala diray 68 shaqaale ah oo kamid ah shaqaalaha HQBQ kuwaasi oo kashaqayn doona xog ururin kusaabsan dadka barakacayaasha ah ee kunool guud ahaan jamhuuriyadda Somaliland sid xog rasmi ah looga helo dadka kubarakacay gudaha dalka ee iyagu asal ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland.




Ugu horrayn waxa munaasabadda kahadlay  agaasimaha waaxda barakacayaasha ee hay'adda NDRA Md Maxamuud Cali Yuusuf oo halkaasi kasheegay in ujeedada ugu weyn ee barnaamijka laga leeyahay ay tahay in xog rasmi ah laga helo dadka barakacayaasha ah ee kunool dalka iyada oo hay'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranku ay tahay hay'adda qaranka u qaabilsan hawlahan oo kale.



Dhanka kale waxa iyaguna munaasabadda hadallo kooban ka jeediyey lataliyaasha hay'adda oo ay kamid yihiin  Cali Caliyow iyo Axmed Nuur Faahiye oo iyaguna tilmaamay in barnaamijkan DTM ku yahay barnaamij muhiim ah oo ah xog lasoo ururinayo sidii loo ogaan lahaa tirada dadka barakacayaasha ah ee dalka.

Waxa sidoo kale kelmad kooban ka jeediyey halkaasi Md Nuuradiin oo isagu kasocday hay'adda IOM oo ah iyadu hay'adda maalgelisay barnaamijkan DTM-Ka ma Displacement Tracking Matrix

Gebagebadii guddoomiyaha hay'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Md C/kariin Axmed Maxamed Xinnif  ayaa faahfaahin dheeraad ah kabixiyey ujeedooyinka laga leeyahay barnaamijkan DTM-ka ee ay iska kaashanayaan hay'adaha NDRA iyo IOM isaga oo guddoomiyu tilmaamay in barnaamijkan laga fulin doono 20 degmo oo kamidka ah dalka jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu guddoomiyuhu carrabka ku adkeeyey in barnaamijkan looga gol leeyahay in la helo xog keyd u noqonaysa oo qaranku leeyahay, sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in dadka qiimaynta lagusoo samaynayaa ay yihiin dadka reer Somaliland balse aanay kujirin dadka barakacayaasha ah ee kasoo jeeda Sooomaaliya.

Dhanka kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in barnaamijkan lagu ogaan doono duruufaha haysta dadka barkacayaasha ah ee reer Somaliland haddii ay tahay dhanka caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo arrimaha kale ee asaasaaska u aha nolosha aadamaha.




NDRA NEWS/HARGEISA OFFICE.