Guddoomiyaha Iyo Masuuliyiin Kale Oo Katirsan Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barkacayaasha Oo Kulan Laqaatay Guddida Shuruucda Iyo Xuquuqul-iinsaanka G. Wakiilada.

Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Md C/Kariim Axmed Maxamed Xinnif iyo masuuliyiin kale oo katirsan isla hay'adda ayaa maanta hor tagay guddi hoosaadka Shuruucda iyo Xuquuqul-iinsaanka golaha Wakiilada JSL.

Kulanka oo kaqabsoomay xafiiska gudida ayaa lagaga wada hadlay xeerka Qaxoontiga oo HQBQ samaysay islamarkaana ay hore u ansixiyeen golaha Wasiirradu, haddana usoo gudbay gudida Shuruucda iyo Xuquuqul iinaaska golaha Wakiilada JSL.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayay waxa ay kajawaabeen su'aalo badan oo kusaabsan dhanka shuruucda Qoxoontiga oo gudidu weydiisay.





NDRA NEWS
HARGEISA OFFICE.