
Guddoomiye Xigeenka Hay'adda Qaxoontiga iyo Barkacayaasha Oo Daahfurtay Kulan Laga Hadlayo Qorshe Sannadeedka Hay'adda.
Kulanka oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay'adda, masuuliyiin kasocday wasaaradda Dastuurka iyo xidhiidka goleyaasha, wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada, saraakiil kasocotay laanta socdaalka JSL iyo xubno kasocday hay'adaha ay wada shaqaynta leeyihiin HQBQ ayaa maanta kaqabsoomay xaruunta Hay'adda Qaxoontoga iyo Barakacayaasha Qaranka.Ugu horrayna guddoomiye kuxigeenka HQBQ marwo Faadumo C/laahi Cumar oo si rasmi ah maanta udaahfurtay kulankan ayaa kawar bixisay islamarkaana faahfaahisay nuxurka iyo macnaha kuduugan kulankan, guddoomiye Faadumo waxa ay sidoo kale dul istaagtay sida ay muhiim u tahay sidii wax laysagaweydiin lahaa islamarkaana loo lafaguri lahaa qorshaha ama Strategic Plan ka ay hay'addu kuhawl geli doonto sannadaha soo socda haddii Alle idmo.
Dhanka kale agaasimaha waaxda qorshaynta HQBQ Md Maxamed Sahal oo kulanka hadal kooban kajeediyey ayaa sheegay in qorshaha hay'adda u degsanaa uu ku eegyahay sannadkan 2021ka islamarkaana ay lagama maarmaladaahfuro qorshaha shanta sanno ee hay'adda.








NDRA NEWS/HARGEISA OFFICE.