
Ha'adda NDRA Oo Kormeer Iyo Qiimayn Kusoosamaysay Dhallinyaro Loosameeyey Maal-gelin.
Hay’adaha #NDRA & #IOM oo ay weheliyaan wasaaradaha cadaalada, shaqada iyo arimaha bulshada, arrimaha gudaha iyo immigration-ka, ayaa siwada jira u sameeyay qiimayn ku saabsan dhallinyarta laga soo celiyay dalka LIibiya ee lasiiyay lacagta dib u dejinta.Qiimayntan oo lagasameeyey gobolada, Maroodijeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer oo ujeedada ugu muhiimsani ahayd, sidii loo ogaan lahaa, lacagtii lasiiyay inay kafaa’idaysteen iyo inaanay ka fa’idaysan.
Runtii teamku waxay soo arkeen afarta gobol, dhalinyar ka faa’idaysatay oo kasameeyay ganacsi xoogleh. Waxakale oo ay u qabteen dhalinyartaa kulamo ay ku falanqaynayaan dhibaatada tahriibka iyo waliba sidii ay iskugu xidhnanlahaayen una yeelan lahaayeen guddiyo ka shaqeeya danahooda.





NDRA/NEWS.