
Ha'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha JSL Oo Tababar Usoo Xidhay Hablo Dhamaystay Xirfadda Dawaarka
Masuuliyiin kasocday Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa tababar usoo xidhay hablo dhamaystay xirfadda dawaarka kuwaasi oo kunool kaamka barakacayaasha digaale ee koonfurta magaalada Hargeysa.Mashruucan oo ay fulisay hay'adda ABU HUREIRA CHARITY, ayaa waxa halkasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey hablaha dhamaystay xirfadda dawaarka oo ay tiradoodu dhamayd 10 hablood.
xafladdan oo kadhacday isla kaamka ay kunoolyihiin dadka barakacayaasha ah ee digaale waxa kasoo qayb galay masuuliyiin kasocday ha'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka oo ugu horreeyo agaasimaha waaxda barakacayaasha ee hay'adda MaxamuuD Yuusuf Cali, mudane xildhibaan C/kariin Axmed Mooge masuuliyiin kasocday ha'adda mashruuca bixisay, ardayda qalin jabinaysay, waalidiin, ganacsato iyo marti sharaf kale.






NDRA NEWS.