Hay'adda HQBQ Iyo Wefti Kakooban Wasaarado Iyo Hay'ado Caalamiya Oo Kormeer Qiimayn Ah Kusoo Maray Gobolada Dalka.

Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranku Iyadoo Qayb ka ahayd Qiimayntii ay samayeen Koox Hawleedka Socodaalka isku dhafan (Mixed Migration Task force) kaasi oo lagu magacaabay Digreeto Madaxweyne Isla-markana ay ku bahoobeen Hay’addaha Dawladda ee kala ah:-
· Wasaradda Cadaaladda
· Wasaradda Arimaha Guddaha
· Wasarada Arimaha Dibadda
· Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada
· Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka
· Komishanka xuquuqal insaanka Qaranka
· Laanta Socodaalka
· Ciidamada Badda
· UNCHR,IOM DRC
waxay socodaal ugu Baxeen dhamaan Gobolada JSL Iyadoo ujeedada safarkaasi ahaa :-
1. In la qiimeyo xalada dhabta ee socotada ama muhaajiriinta dhex-mara somaliland iyadoo la qiimaynaayo ujeedooyinka ay u socdalayaan sida inay yihiin muhaajiriin dhaqaale Doon,Muhaajiriin Magan-galyo doon ah.
2. In La ogaado marinada muhiimka ah ay ka soo galaan Dalka iyadoo socodaalka diirada lagu saarayo Gobolada iyo Degmooyinka ku Teedsan Xuduudaha.
3. In la kormeero in xiisadaha /colaadaha ka aloosan Itoobiya ay wax ka tari karaan sii kordhinya qulqulka muhaajiriinta somaliland Dhexmara.
4. In la ogaado Baahiyaha Asaasiga ah ee Gobolada iyo Degmooyinka JSL ee ku Teedsan xuduuduhu Awood ay kaga jawi karaan xaladaha socodaalasha isku dhafan Haday noqoto Laanta socodaalka,Booliska iyo Maamulada Goboladuba.
Socodaalkaasi oo qaatay mudo Laba iyo Toban cisho ah (12-days) Waxa Socdaalka koox hawleedkani qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo waxqabadyada MMTF(Mixed Migration Task Force) ee Somaliland si loo soo saaro warbixin rasmi ah oo la xidhiidha xalada Qulqulka socotada ee Dhexmara dhamaan gobolada JSL,waxaan la soo saari doono warbixin dhamaystiran si loogu saleeyo qorshe hawleedka Sanadka 2021.




NDRA/NEWS