
Hay'adda NDRA Oo Daahfurtay Barnaamij Shaqo Abuur Loogu Samaynayo 50 Dhallinyaro Ah...
Munaasibadan oo ka qabsoontay hoolka shirarka ee xaruunta HQBQ waxa sidoo kale kasoo qayb galay masuuliyiin kasocday ururka YEEL oo mashruucan fulinaya, guddoomiyaha dallada
dhalinyarada ee SOONYO, dhaallinyarada mashruuca loosamaynayo iyo guddiyada kaamamka lagasoo xulay dhallinyarada.
Ugu horrayn agaasimaha waaxda Barakacayaasha Md Maxamuud Yuusuf oo munaasabadda hadal kajeediyey ayaa faahfaahin kabixiyey ujeedada mashruuca sidoo kalena mahadnaq usoo jeediyey ururka YEEL oo isagu ah ururka mashruucani fulinaya, waxa sidoo kale goobta hadalo kajeediyey guddoomiyaha ururka YEEL, guddoomiyaha dhallinyarada SOONYO iyo xubno u hadlay dhallinyarada mashruuca ka faa'idaysan doonta.
Gebogebadii waxa xafladda soo afmeertay G/kuxigeenka HQBQ oo halkaasi dardaaran iyo dhiirri gelin ugasoo jeedisay dhallinyarada barnaamijkani loogu talo galay, waxa ay sidoo kale guddoomiye Faadumo sheegtay in HQBQ ay soo dhaweynayso cid kaste oo wax u qabanaysa dadka nugul ee barakacayaasha ah.

.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
NDRA/LASTNEWS.