Hay'adda NDRA Oo Raashin Uqaybisay Dhallinyaro Lagasoo Celiyey Dalalka Dibadda.

Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa maanta raashin dhamaystiran uqaybisay 26 qof oo kamid ah dhallinyarada tahriib ahaan ujoogay dalka Liibiya kuwaasi oo dalka lagusoo celiyey.

Dhalliyarada ayaa halkii qofka lasiiyey raashin dhamaystiran oo ka kooban noocyada raashinka daruuriga ah sida Bariis, Baasto, Timir, Daqiiq , Sharaab iyo Sonkor kaasi oo muddo bil ah kufilnaan kara iyaga iyo qoyskoodaba.

Raashinkan oo ahaa qayb ka hadhsanayd raashin ay bixisay hay'add IOM oo dhawaan wejigii hore loo qaybiyey 162 qoys oo isugu jira dad danyar ah iyo kuwa soonoqdayaal ah ayaa maanta qaybtiisa labaad ay hay'addu uqaybisay dhallinyaro soo noqdayaal ah oo dhawaan lagasoo celiyey dalka Liibiya kuwaaso oo tahriib ahaan u joogay halkaasi muddo sannado ah.







NDRA/xafiiska warbaahinta
Hargeysa/Somaliland.