Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka iyo hay’adda NRC soo gabgabeeyeen shir

Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka (NDRA) iyo hay’adda NRC waxa ay si wada jir ah u soo gabgabeeyeen shir lagaga hadlayay arrimaha ka hortaga barakcinta qasabka ah ee ku dhacda dadka nugul, shirkaas oo muhiimad gaar ah u lahaa dhaman Daneeyayaasha.

Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranku waxay u xilsaarantahay arrimaha dadka barakayaasha dalka somaliland iyado goor kasta heegan ugu jirta sidii loo horumarin lahaa iyo xal u helida barkacayaasha dalka.