
Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo 110 Qoys Kuwareejisay Agabka Biyaha Lagu kaydsado.
Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa maanta 110 qoys oo katirsan dadka barakacayaasha ah ee kunool kaamka QALAX kuwareejisay taangiyo biyood kuwaasi oo ay baahi weyn u qabeen.Taangiyadan oo ay maal gelisay Hay'adda #World_Vision waxa ay wax weyn katari doonaan baahida dadka barakacayaasha ah ee kudhaqan kaamka Qalax gaar ahaan dhanka biyo kaydinta.


Guddoomiyaha HQBQ Md C/kariin Axmed Maxamed Xinnif oo isagu deeqadani taangiyada ah kuwareejiyey boqol iyo tobankaasi qoys ayaa mahadnaq ballaadahn ujeediyey ha'adda World Vision oo ah hay'adda maalgelisay mashruucan isaga oo tilmaamay sida ay had iyo goor hay'addani u garab taagantahay una caawiso bulshada nugul ee kunool kaamamka dalka., isaga oo dhanka kalena kuboorriyey hay'adaha kale ee tirada badan ee dalka kusugan in ay soo caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee tirada badan ee kusugan kaamamka dalka




Waxa sidoo kale goobta hadallo kooban kajeediyey agaasimaha waaxda barakacayaasha ee HQBQ iyo masuul kadocday hay'adda World Vision.
NDRA/HARGEISA OFFICE.