Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Qalab Guri Oo Dhamaystiran Kuwareejisay Qoys Gurigi Kagubtay



Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay'adda Acted oo iskaashanayaa ayaa waxa ay bilaabeen in ay dib ugu dhisaan guri jiingad ah qoys danyar ah oo kunool kaamka AYAX 1 ee magaalada Hargeysa kadib markii uu gubtay gurigii hore ee ay kunoolaayeen qoyskaasi danyarta ahi.
Dhanka kale qoyska gurigu ka gubtay ee hadda dib loogu dhisayo yaa aad ugu mahadnaqay HQBQ oo iyadu inta badan u taagan caawinta iyo gargaaridda dadka nugul, dadka kubarakacay gudaha JSL iyo dadka qoxoontinimada kujooga dalka intaba.