Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha.....
Hoolka Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranaka waxaa ka qabsoomay shirkii (Steering committee) oo ay ka Soo qayb galeen laamaha dawladda sida Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, wasaaradda cadaalada,wasaaradda arimaha gudaha,wasaaradda qoyska iyo arimaha bulshada iyo Hay'adda IOM, kaasoo ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha soo-noqdayaasha.
Ugu horeyn shirkan waxa lagu lafa gurey caqabada mashruuca MPRR &SSR iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dadka muwaadiniinta ah ee laga Soo celiyo dalalka shisheeye .
Ugu danbayn waxa laysla qaatay in shir kan ka balaadhan laysugu yimaado horaanta sanadka Soo socda 2025 ka.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda.
