
Hay'adda shaqaalaha JSL Oo Tababar Uqabatay 36 Shaqaale ah Oo Katirsan Hay'adda HQBQ
Hay'adda shaqaalaha JSL ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 10/12/2020 tababar u qabatay 36 shaqaale ah oo ka tirsan Hay'adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka(HQBQ)Tababarkani oo nuxurkiisu ahaa qorshaynta hawl qabadka hay'adda iyo qiimaynta shaqaalaha waxa daahfurtay guddoomiye xigeenka hay'adda Marwo Faadumo C/laahi Cumar iyada oo shaqaalaha qaadanaya tababarka kula dardaarantay in ay ka faa'daystaan tababarkani oo isagu leh muhiimad gaar ah.
Tababarkaasi waxa uu ka qabsoomay hoolka tababarrada ee #HQBQ