
HQBQ Iyo Hay'adda UNHCR Oo siwada Jir Ah Uqabtay Wacyi-gelin Kusaabsan Tahriibka.
Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qarankaqaybeetda qaabilsan arrimaha Tahriibka ee (MRC) iyo Hay'adda Qaxoontiga aduunka ee #UNHCR waxa ay si wadajir ah wacyi gelin ku saabsan dhibaatada tahriibta uga fuliyeen Dugsiyo waxbarasho, Jaamacado, Kaamamka ay kunoolyihiin dadka barakacayaasha ahi, waxa sidoo kale ay wacyi gelin u qabteen dadka qaxoontiga ah ee kusugan magaalada Hargeysa.
Waxa sidoo kale tartamo kubbada cagta ah loo qabtay kooxo kala duwan si dhiirri gelin loogu sameeyo dhallinyarada loogana wacyi geliyo tahriibta.
Waxaa wacyi gelintan oo ah xaqiiqooyinka dhabta ah ee Tahriibta lagala kulmo dadka la wadaagayey dhalinyaradii tahriibtay ee dhibaatada soo arkay ee ay Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayasha Qaranku ku soo celisay waddanka iyadoo kaashanaysa hay'adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.
wacyi gelin tan waxaa la gaadhsiiyey oo laga wacyi celiyey dhibaatada tahriibtu leedahay Ku dhawaad 3150 qof.
Ugu danbayn, waxa ay wacyi-gelintani kusoo dhamaatay si guul ah.





