
HQBQ Oo Daahfurtay Mashruuc 24 Qoys Guryo Loogu Dhisayo.
Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka waxa ay maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha June sannadka 2021ka ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in 24 qoys oo kamid ah dadka barakacayaasha ah ee kunool kaamka #Naasahablood_C" loodhisi doono guryo hanti ah oo ay iyagu leeyihiin.Mashruuca guryaha loogudhisay 24 ka qoys waxa iska kaashaday Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka iyo hay'adda #UNHCR, iyada oo qoysaska loodhisayo guryaha lagu xulay sida ay ukala duruuf adagyihiin una kala nugulyihiin dadkaasi barakacayaasha ah iyadoo loo eegay shuruudaha hoos kuxusan.
- Qoysaska agoonta ah
- Qoysaska haysta dadka maskaxda kajiiran iyo dadka naafada ah
- Qoysaska haysta caruurta badan ee kamid ah dadka kaamka kusugan ee barakacayaasha ah.

