WAAXDA CUDUDDA SHAQALAHA
Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranku Waxay u xil-saarantahay inay abuurto jawi dhamaan Shaqaalaha Hay’addu ay u riyaaqaan saamaynta ay shaqadoodu ku leedahay in la gaadho hiigsiga iyo himilada shaqo ee Hay’adda iyadoo loo maraayo nidaamka maaraynta hawl-qabadka Shaqaalaha oo ku salaysan hannaanka qorshaynta shaqada,maaraynta iyo qiimaynta hawlqabadka Shaqaalaha iwm.
-
- Horumarinta Shaqaalaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka
Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranku iyadoo fulinaysa siyaasadaha u adeega Shaqaalaha Dawlada ee fursadaha u siinaaya in shaqaaluhu ay balaadhiyaan aqoontooda,iyo xirfadooda shaqo ayey hay’addu sanadkan waxay xilwayn iska saartay sidii loo kordhin lahaa aqoonta shaqalaha Hay’adda waxaanay qabatay 10-Tababar oo ay qaateen dhamaan Shaqaalaha kala duwan ee Xarunta iyo gobolada labadaba.
-
-
- Tababarada Kobcinta Xirafadaha Shaqaalaha HQBQ.
-
Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranku iyadoo ka duulaysa in kor loo qaado xirafada iyo aqoonta shaqaalaha HQBQ si loo helo adeeg tayaysan oo ay helaan dadka nugul ee ay Hay’addani u adeegto waxay samaysay tababaro kale duwan oo ay qaateen dhamaan shaqalaaha iyo Agasime waxeedyada Hay’addu, tababaradaasi oo khuseeyey Shaqada waaxyaha Hay’adda .waxa kale oo ay shaqaaluhu ka sinaayeeen tababarada guud ee kor loogu qaadayo aqoontooda sida kobcinta xiradahahogaamineed(Leadership development skills) oo ahaa kooras socoday mudo saddex cisho ah oo lagu baranaayey sidii kor loogu qaado lahaa maamulka xafiisyada Hay’adda.
waxa kale oo shaqaaluhu sannadka 2021 ay qaateen tababarrada hoos kuxusan si kor loogu qaado aqoontooda
1. Social Work training
2. Advanced English Course
3. Occupational Health Training(Covid 19)
4. Psychosocial counseling Training
5. ICT Training
S/N |
Nooca Tababarka |
Waaxda Gashay |
Tirada Shaqaalaha Gashay |
1. |
Habraacyada nidaamka Shaqo ee Shaqaalaha dawladda |
Cududa Shaqaalaha |
3 shaqaale ah |
2. |
Casriyeynta hab-Xisaabaadka Dawladda |
Waaxda Maamulka |
3 shaqaale ah |
3. |
Maamulida kaamamka barakacayaasha |
W.Barakacayaasha |
2 shaqaale ah |
4. |
Barashada Xuquuqda lahaanshaha dhulka iyo guriyeynta ee Barakacayaasha |
W.barakacayaasha |
3 shaqaale ah |
5. |
Barashada Habka casriga ah xog-ururinta barakacayaasha |
W.Barakacayaasha |
2 shaqaale ah |
6. |
Tababarka Nidaamka Casriyenta Diwaangelinta Qaxoontiga(BMIS) |
Waaxda Qaxoontiga |
25 shaqaale ah |
7. |
Tababarka ka jawaabida xalaadaha deg-dega ah |
w.soo-noqdayaasha |
15 shaqaale ah |
8. |
Tababarka habka qoraalka warbixinaha (report writing) |
Agaasimayaasha Waaxyaha Hay’adda |
8-shaqaale ah |
9. |
Kobcinta Xirfadaha Hogamineed |
Dhamaan Shaqaalaha HQBQ |
42-shaqaale ah |
10 |
Tababarka qiimaynta Shaqaalaha |
Ag/madaxqaybeedka |
36-shaqaale ah |
2.2. Qiimaynta iyo Hawl-qabadka shaqaalaha HQBQ
Waaxda Cududda Shaqaalaha ee HQBQ sanadkan 2020 waxay si toos ah u dhaqan-galisay 16-habraac oo ay Hay’adda shaqaalaha Dawladu soo saartay kuna tababartay Waaxda cududda shaqalaha HQBQ,Hadaba Waaxdu iyadoo raacaysa habraacyadaasi waxay qiimayn ku samaysay 85-qof oo ka mid ah shaqaalaha HQBQ kuwaasi oo iskugu jiray dhamaan darajooyinka shaqaalaha.Qiimayntaasi oo loo gudbiyey Hay’adda shaqaalaha Dawlada JSL .Waxaa kale oo isla-sanadkan Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ay u qorshaysay HQBQ tababar ku saabsan Habka qiimaynta shaqaalaha kaasi oo kor loogu qaadayo Habsami usocodka qiimaynta hawlqabadka shaqaalaha HQBQ.
- Qiimaynta Shaqaalaha Waaxyaha HQBQ ee Waaxda Cudduda Shaqaalahu Samaysay Sanadkan 2020

Waaxdu waxay sanadkan kor uqaaday habka diiwaanka faylasha shaqaalaha Hay’adda iyadoo qof kasta oo shaaqaale ah loo samayey tixraac u gaar ah oo lagu aqoonsado,waxa kale oo ay waaxda samaysay sanadkan kormeero joogto ah oo ay ku hubinaysay habsami usocodka hawl-gudashada shaqaalaha HQBQ.Waxa kale oo ay waaxadu sanadkan dadaal wayn u gashay ilaalinta saacadaha shaqo ee Shaqaalaha Hay’adda iyadoo maalinle ah ula socota shaqada guud ee shaqaalaha Hay’adda,arintaasi oo ay fududaysay nidaamka casriga ah ee Finger-printa xaadiriska shaqaalaha ,isla-marakaana waxay waaxdu anshaxmarin ku samaysay shaqaale kala duwan oo ay ku caaddaatay inay jabiyeen xeerka shaqalaaha dawlada iyadoo loo raacay anshaxmarintooda xeerka shaqaalaha dawlada JSL xeer no/7/1996.
2.2. Qiimaynta iyo Hawl-qabadka shaqaalaha HQBQ
Waaxda Cududda Shaqaalaha ee HQBQ sanadkan 2020 waxay si toos ah u dhaqan-galisay 16-habraac oo ay Hay’adda shaqaalaha Dawladu soo saartay kuna tababartay Waaxda cududda shaqalaha HQBQ,Hadaba Waaxdu iyadoo raacaysa habraacyadaasi waxay qiimayn ku samaysay 85-qof oo ka mid ah shaqaalaha HQBQ kuwaasi oo iskugu jiray dhamaan darajooyinka shaqaalaha.Qiimayntaasi oo loo gudbiyey Hay’adda shaqaalaha Dawlada JSL .Waxaa kale oo isla-sanadkan Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ay u qorshaysay HQBQ tababar ku saabsan Habka qiimaynta shaqaalaha kaasi oo kor loogu qaadayo Habsami usocodka qiimaynta hawlqabadka shaqaalaha HQBQ.