Xafiiska MRC Ee Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Agab Uqaybiyey Qoysas Danyar Ah.

Xafiiska wacyi-gelinta tahriibayaasha (MRC) ee Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka waxa uu maanta 51 qoys oo danyar muhaajiriin ah u qaybiyey agabka aan cuntada ahayn ee looyaqaan "Non food Items", agabkaas oo isugu jira Bacaha roobka laga galo, Bustayaal, agabka biyaha lagu dhaansado, Suxuunta dharka, Marakaneecooyin iyo agab kale oo nadaafadda loo isticmaalo sida saabuunaha IWM.


Qoysaskan oo ahaa dad danyar muhaajiriin ah isla markaana ku nool IDPs ka kala duwan ee magaalada Hargeisa, isla markaana ah dadkii ka diwaan gashanaa xafiiska MRC iyada oo si joogto ah loogu qaybiyo agabkan iyo alaabe kaleba iyada oo loo eegayo ama lagusoo xulayo heerka nuglaashahooda.
NDRA OFFICE
HARGEYSA.