
SAWIRRO: Ha'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Deeq Lacag Ah Kuwareejisay 50 Haween Barakacayaal Ah.
Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Md C/kariim Axmed Maxamed ayaa maanta qadar lacag guddoonsiiyey 50 haween ah oo kamid ah bulshada kunool kaamamka barkacayaasha ah ee magaalada Hargeysa.
Haweenka maanta lacagta laguddoonsiiyey ayaa in muddo ah lagu tababarayey sida loo abuuro ganacsiga, iyada oo maantana lagu abaal mariyey shahaadada kaqaybqaadashada tabobarka iyo lacag dhan kun dollar (USD1000) halkii qofba, iyada oo tirada maanta lacagta laguddoonsiiyey ay dhamaayeen 50 haween ah.
Guddoomiyaha HQBQ ayaa halkaasi kelmad dardaaran ah uga jeediyey haweenka iyagu kasoo jeedada qoysaska kubarakacay gudaha dalka isaga oo dareensiiyey in had iyo goor ay dawladdu kawar hayn doonto kana hawl geli doonto sidii xal waara loogu heli lahaa bulshadaasi barakacayaasha ah.
Dhanka kale waxa uu guddoomiyuhu u mahadnaqay hay'adda #PLAN oo dhaqaalahan kudeeqday haweenkan iyo #TAAKULO oo iyadu fulisay mashruucan lagu caawinayo bulshada nugul.







