
Shaqaaha Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Looqabtay Tababar.
G/kuxigeenka hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Faadumo C/laahi Cumar oo soo xidhay tababar kusaabsan xirfadaha hoggaaminta (Leadership Skills) oo muddo saddex cisho ah u socday qayb kamid ah shaqaalaha hay'adda.
Tababarkan oo ay bixinaysay hay'adda maxaliga ah ee HASI, waxa gebagebadii shahaadooyin laguddoonsiiyey 43 qof oo dhamaystay tababarka iyada oo islamarkaana shaqaalaha inta hadhay mar kale looqaban doono tababarkan oo kale.