
Shaqaale weynaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Dhamaystay Tababer Kusaabsan Sixitaanka Habqoraalka Afsoomaaliga+ SAWIRRO
Guddoomiyaha HQBQ Md C/kariin Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa maanta tababer kusaabsan habqoraalka afsoomaaliga usoo xidhay shaqaalaha HQBQ, tababerka oo socday muddo shan cisho ah ayaa u jeedadiisu ahayd sidii shaqaalaha HQBQ looga dhisi lahaa sixitaanka habqoraalka toolmoon ee afka Soomaaliga.
Munaasabadda lagusoo xidhayey tababarka oo kaqabsoontay isla xaruunta HQBQ ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin badan oo ay kamidyihiin wasiirka wasaaradda Caddaalada JSL, guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha dawladda, maareeyaha hay'adda madaaradda iyo duulista Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta, macalinka bixinayey tababerka, lataliyeyaasha HQBQ iyo shaqaale weynaha HQBQ.


Ugu horrayn guddoomiyaha HQBQ oo munaasbadda hadal kooban kajeediyey ayaaa faahfaahin kabixiyey sababta tababerkan loogu qabtay shaqaalaha HQBQ, iyada oo uu guddoomiyuhu sheegay in qaladaad badan oo dhanka habqoraalka afka Soomaaliga ahi kadhexjiro xafiisyada qaar, si taas looga baxana ay muhiim noqotay in tababerkan lasiiyo shaqaalaha.
Dhanka kale guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha dawladda Md. Farxaan Aadan Haybe oo isna munaasabadda hadal kajeediyey ayaa timaamay muhiimadda ay leedahay in sida ugu wanaagsan looqoro waraaqaha xogta la isu weydaarsanayo isaga oo tusaale usoo qaatay in dunida casriga ah ee imika lajoogaa inta ugu badan xogta la iskudhaafsado qoraal.
Sidoo kale waxa goobta hadallo kajeediyey mareeyaha ha'adda madaarrada Somaliland agaasimaha guud ee wasaaaradda warfaafinta, macallinka bixinayey tababerka iyo masuuliyiin kale oo dhammaantood tilmaamay muhiimadda uu lahaa tababarka sixitaanka habqoraalka afsoomaaligu.
Ugu danbayn waxa xafladda xidhitaanka tababerka kelmad kooban kajeediyey wasiirka wasaaradda caddaalada JSL Md Saleebaan Warsame Guuleed oo isagu tilmaamay in muhiimadda koowaad lasiiyo sixitaanka qoraalka maadaama uu yahay shayga wasaaradaha iyo xafiisyadu xogta isugu gudbinayaan.
Gebagebadii waxa halkaasi guddoomiayaha HQBQ iyo guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha JSL siwada jir ah shahaadooyin ku guddoonsiiyeen xubnihii dhamaystay tababerka sixitaanka habqoraalka afsoomaaliga.








NDRA/NEWS
Hargeisa Office.