Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee HQBQ Oo Soo Agaasintay Tababarro Kor Loogu Qaadayo Wacyiga Iyo Aqoonta Shaqaalaha.

Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa soo Agasintay Tababaro kor loo Qaadayo Aqoonta iyo Xirfada Shaqaalaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha kuwaasi oo qayb ka ahaa Qorshihii Horumarinta Cududda Shaqaalaha ee Sanadka 2021.

waxa sidoo kale shaqaalaha HQBQ lasiiyey Tababar dhanka caaafimaadka ah oo lagaga wacyi gelinayo khatarta xanuunka COVID19 oo haatan khatar badan kuhaya dhammaan dunida.

Tababaradaasi oo ka koobnaa 5-Course oo kala ahaa:-

1. Social Work training
2. Advanced English Course
3. Occupational Health Training(Covid 19)
4. Psychosocial counseling Training
5. ICT Training
Tababarkan oo socondoona Mudo Hal Bil ah oo muhiim u ahaa shaqada ay Qaranka u hayaan Shaqaalahani,Isla-markana ay ka qaybgalayaan Shaqaale ka kala socday dhamaan Sagaalka Waaxood ee ay ka kooban tahay HQBQ.


NDRA/NEWS.