Xukuumadda JSL oo Dalka dib ugu soo celisay 48 kamida dhalinyarada Somaliland ee Tahriibay.

Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashanaysa Hay'adaha UNHCR iyo IOM ayaa saaka dalka dib ugu soo celisay 48 kamida dhalinyarada somaliland ee tahriibay iyada oo laga soo celiyay dalka Liibiya.


Waxana dhalinyarada Garoonka diyaaradaha ee Cigaal kusoo dhaweeyay wasiirada wasaaradaha Cadaalada, Qoyska iyo Arimaha Bulshada ,Gudoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo masuuliyiin ka socday Hay'adaha UNHCR iyo IOM